Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda badda ay awood buuxda u leeyihiin inay burcad badeedda kula daggalamaan isla markaana ka ilaaliyaan xeebaha si aysan weerar ugu gaysan maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga.
Ciidankan ayaa isku diyaarinaya inay ilaaliyaan xeebaha kadib marka uu dhammaado xilliga bad xiranka oo ay haatan ka harsan tahay saddex toddobaad keliyaa, xilligaasi oo laga cabsi qabo inay doomaha budhcad badeeddu dib u galaan biyaha.
Taliyaha Ciidanka Badda Puntland oo la hadlyay Idaacadda Voa,da laanteeda Afk Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Badda Puntland oo la Aas aasay Sanadii 2010,kii ay awood u leeyihiin la dagalanka Burcad Baddeeda Soomalida.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha