Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo”Laba Sano waxka yar ayaan ku soo afjareynaa dagaalka Al-Shabaab”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa markale shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay dardargeliso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya Gobolada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha howlgallada Shabaab dalka looga saarayo uu yahay mid loo diyaar garoobay,isla markaana kaliya u baahan in loo dhaqaaqo.

Waxa uu soo hadal qaaday dhibaatooyin uu sheegay in Al-Shabaab ku hayaan Shacabka soomaaliyeed ee mudada dhowrkaiyo labaatanka Sanada ah dagaalada ku jiray.

“Xaqiiqdii Al-Shabaab dhibaato ayay dalkaan ku hayaan marwalba maatida ayay qarxinaayan,waxayna au baahan yihiin in loo midoobo,waxana idin sheegayaa anaga oo wadajirna in mudo laba sano gudahood ah aan ku soo afjari karno dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo”

Ma ahan wax Cuusb in Madaxweyne Farmaajo uu iclaamiyo ama uu sheego in dagaal lala gelayo Al-Shabaab balse ilaa iyo hadda majirto tallaabo ficil ah oo la qaaday  howlgalka dhan ah Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.