Dhageyso:-Kulan u dhaxeeya Madaxda Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka furmaya

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa weli ku wada sugan labada Madaxweyne ku xigeen ee Maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo la filayo in ay ka qeyb qaataan kulan Nabadeed ka dhacaya Magaaladaas.

Maalmihii la soo dhafay ayaa kulamo hordhac ah waxa ay ka socdeen gudaha Magaalada Gaalkacyo kaas oo u dhaxeeyay masuuliyiin heer Gobol ee Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xersi Yuusuf Bare Duqa degmada Gaalkacyo ee qeybta Galmudug ayaa Radio Dalsan u faah faahiyay kulmadaas iyo kulanka la filayo in uu dhex maro labada madaxweyne ku xigeen ee Puntland iyo Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso  Waresyiga Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug.