Shalay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya waxa ay holwgal ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolkan Banaadir,iyaga oo howlgalkaas ku dilay laba Nin oo ay Saraakiishu sheegeen inay ahaayeen burcad halka 8 kale ay Gacanta ku dhigeen.
Maanta ayaa waxaa banaanbax looga soo horjeedo dilka labadaasi Nin oo ay Saraakiishu burcad ku sheegeen waxaa uu ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah Shacabka degmada Kaxda ee banaanbaxa dhigay ayaa waxa ay sheegeen in labadaasi nin ee la dilay uu ka mid ah ahaa Askarta degmada halka midka kale uu ahaa qof Shacab ah,isla markaana asyan labadooda aheyn burcad.
Waxa ay sheegen in amarka lagu dilay labadaasi Nin uu bixiyey Guddoomiyaha degmada Kaxda,waxaana ay dalbadeen in cadaalada lahor-keeno dadkii ka dambeeyey dilkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codadka banaanbaxayasha.