Wasiirka Amniga Gudaha Iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa Tagay xalay Degmada Yaaqshiiid ee Gobolka Banaadir Halkaas oo ay Ciidanka Amaanka Gobolka Banaadir Iyo Maamulka Degmada Yaaqshiiid ay Ka sameeyeen Howlgal Wadajir Ah.
Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay kooxo Burcad ah oo Mooto Bajaaj dadka ku dhici jiray Iyo Hubkii ay Wax Ku dhacayeen Sidoo Kale Waxaa Goobta Lagu Dhaawacay Ninkii Umadda Ka dhacayey Mobilelada iyo sidoo kale 12 Mobile Iyo Qori AK47 ah.
Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maxamuud ayaa faah faahiyay Howlgalka iyo sida uu u dhacay,waxa uuna sheegay in uu rajeynayo in la soo gabgabeyn doono kuwa xiliyada qaar dadka Shacabka ah dhaca u geesta.
Sidoo kale waxaa Goobta ka hadlay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,waxa uuna sheegay in amniga uu ka bilaawdo deegaanada ay Shacabku degan yihiin isagoo kula dardaarmay degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir in sidaan oo kale looga sameeyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in la abaalmarin doono Ciidamadii iyo dadkii sameeyey holwgalka lagu soo qabtay kooxaha Burcada ah ee dadka shacabka ah Mooto Bajaajka ku dhici jiray.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada