Dhageyso:-Khilaaf ka taagan Magacaabista Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle

Shalay ayuu qorshuhu ahaa in Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu soo Magacaabo Goolihiisa Wasiirada balse uu dib-udhac ku yimid kadib markii la isku khilaafay.

Hadaba waxa uu salka ku hayo khilaafkaas si aan u ogaano ayaa waxaan ka wareysanay Xildhibaan Cqaadir Faarax Shuute oo ka mid ah Xildhibaan Hirshabeele.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Waare uu doonayo in Golaha Wasiirada uu ka soo xulo banaanka oo aan laga keenin xildhibaanada halka Xildhibaanada hir-Shabeelle ay arrintaas ku diideen taas oo dhalisay in ay dib u dhacdo Magacaabista Golaha Wasiirada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Waare uu kulan qado ah u sameyn doono Xildhibaanada Hir-Shabeelle si uu kala tashado Magacabista Golaha Wasiirada.

Sikastaba Madaxweyne Waare ayaa Maalin ka hor Barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu soo dhigay in ay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe isku khilaafsan yihiin Magacaabista Wasiirada.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka.