Taliska Booliiska Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal Ciidamo kabtirsan kuwa dowladda iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo kuwa Alshabaab ku dhex maray deegaano hoostaga degmada Baardheere.
Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaanka tarako oo u dhaxeeya deegaanka Faxfaxdhuun iyo Degmada Baardheere sida uu Dalsan u sheegay taliyaha Ciidamada Booliiska Baardheere Cabdi Sheekh Xasan Ciyoow.
Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka oo marka hore ku bilaawday Miino ay dhulka ku aaseen Al-Shabaab ayaa ugu dambeyn Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom waxa ay kubguuleesteen in ay iska difaacaan iyaga oo Goobta ka cararay sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay raga weli ka tirsan Alshabaab in ay isaga soo tagaan dowladdana ku soo biiraan.
Hoos Ka Dhageyso Codka