Dhageyso:-Axmed Madoobe oo sheegay in aysan jirin Miisaaniyad ay ka helaan dowladda

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan jirin wax miisaaniyad ah oo ay ugu talo gashay maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay in dhamaan xildhibaanada iyo Xubnaha kale ee Maamulka Jubbaland aysan qaadaan wax mushaar ah.

Hadalkaan ayaa waxa uu sheegay xili shalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu ku soo xiray kala-fadhisii 3,aad ee Baarlamaanka Jubbaland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe