Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo amanta dib ugu soo laabtay Magalada Kismaayo ayaa waxa uu ka hadlay safaradii uu ku soo kala bixiyey Kenya iyo Itoobiya iyo booqashadii uu ugu tagay Xabsiga uu ku xiran yahay Cabdi Kariin Qalbi Dhagax.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa marka hore sheegay in dowladda Itoobiya uu ka codsaday in ay u ogolaato in uu la kulmo Qalbi Dhagax,isla markaana ay ka ka aqbashay sidaasna uu Xabsiga ugu booqday.
Waxa uu sheegay in xaalada Qalbi Dhagax ay tahay mid aad u wanaagsan,isaga oo sheegay in kiiskiisa uu dhawaan soo gaba gaboobi doono.
Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya xilli su’aalo badan laga keenay booqashadii shalay uu ugu tegay Xabsiga uu ku xiran yahay Qalbi Dhagax oo dowladda Soomaaliya mudo 10 Bilood kahor ku wareejisay dowladda Itoobiya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Jubbaland.