• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maqaal: Magafe waa qabqable-dagaal oo Liibaayan ah oo quuta dadka tahriibka ah

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 25, 2015
in Warar
Reading Time: 9 mins read
A A
7
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
libyaSoomaalidu waa dad ku fiican naanays u bixinta wax walba xataa dadka. Magaca Magafe waxa loola jeedaa mid aan waxba seegin, waana taa sababta ay magacaasi ugu yeeraan qabqablahan Liibiyaanka ah ee ka qawlaysta afduubka dadka masaakiinta ah ee ka gooshaya lamadagaanka Liibiya iyaga oo naf ka raadinaya Yurub.
 
 
Wuxuu jidka usii galaa tahriibayaasha ku socdaalaya koonfurta Liibiya isaga oo isticmaalaya dableyda u dhalatay Tauareg ee ku firarsan Lamadagaanka Liibiya oo uu ka hawlgeliyey si ay u soo qabqabtaan dadka safarka ah.
Intaa dabadeed ayuu si sharci darro ah meel ugu xareystaa dadkii tahriibka ahaa ilaa ay ka bixiyaan lacag madaxfurasho ah si ay u iibsadaan xorriyadooda. Waa adoonsiga qarniga 21-aad!
 
 
Kolka la bixiyo madaxfurashada ayuu tahriibayaasha ka gudbiyaa lamadagaanka, marka ay gaaraan xeebaha liibiya ayaa waxa la wareega mukhalasiin kale oo markooda ka adeegta iyaga oo ku dallacaya kharashaad kale si ay uga gudbiyaan badda Mediterranean ee laga galo dalka Talyaaniga.
Hawlaha afduubka ee Magafe waa mid aad u weynaatay, sida la sheegay waxaa u shaqeeya raxan gawaarida 4×4 ah, fardo iyo xataa awr oo uu usoo iibsaday si ay u raadgoobaan tahriibayaasha ku socdaalaya saxaraha ballaaran geeri-go’anka ah ee Liibiya.
 
 
Waxa uu xukumaa maleeshiyaad badan oo Tuareg kasoo jeeda, ee ah kuwii u dagaalamay M/wenihii hore ee xukunka laga tuuray ee Liibiya Muammar Gaddafi. Maleeshiyadaas oo deggan dhulka saxaraha ah ee Liibiya, taasoo fursad u siinaysa ciidankiisa lugta  ee dhulkaas daadsan, ee u  yaqaana lamadagaanka sal iyo baar, inay kasoo saaraan dadka tahriibka ah meelaha ay kusii nastaan kolka ay ku socdaalayaan saxaraha aan arxanka laheyn ee oomanaha ah ee Liibiya.
 
 
Naxariisdarrada Magafe iyo cadowtinimadiisa ku aadan masaakiinta naftooda la baxsanaysa ee musaafirka ah ayaa la leeyahay in boqolaal qof oo tahriibayaasha ay gacantiisa eebsadeen, haddii aysan ba kumanaan gaareyn, oo kolkol na dadka uu ku khaarijiyo dilal qorsheysan, isaga oo adeegsanaya jirdil iyo silcin si lacag looga dhaliyo ehelka dadka.
 
 
Haddii aad u maleysay in Magafe bahalnimadiisa intaa uun tahay baal aan eegno sida uu u galo haweenka bilicsan ee ku dhiirrada inay ka gooshaan saxaraha  saxariirta leh ee Liibiya.
 
 
Dadkii iyaga oo nool kasoo badbaaday cadaabtiisa ayaa sheegay in naag walba oo uu Magafe qabto caadi ahaan ay naagtiisa noqonayso, ilaa inta laga bixiniyo madaxfurashda, uuna ula dhaqmayo adoon uu leeyahay oo kale. Shahwadiisa (qooqiisa) xad-ka-baxa ah darted ayuu maalin walba la jiiftaa 4 ilaa 5 haween, waana marka uu suuqa fiicanyahay ee ay dad badan oo tahriib ah ka gudbayaan saxaraha Liibiya iyaga oo u socda Yurub.
 
Waxa la sheegay in maleeshiyaadkiisa ay iyaguna kufsadaan haweenka mar Alle iyo markii ay doonaan iyaga oo xataa wax ka raadinaya (isticmaalaya) wiilasha sida ay doonaan na u faraxumeeya.
 
 
Maqalka sheekooyinka Magafe in dhawaalaba waan maqlayey haba ugu darnaato  3 sanad ee ugu dambeeyey, hayeesha waxba kama aan soo qaadin oo waxan u haystay nin iska barbaratooy (heerhoose) ah oo nolol-maalmeedkiisa ka dabaranaya dalka Liibiya ee qasan. Hayeeshee hadal-haynta magaciisa ayaa kusoo batay Soomaalida dhexdeeda siiba meelaha la isagu yimaado. Had iyo jeer ayaad maqlaysaa Sheekooyin ku saabsan Magafe intuu dad afduubrtay ku khasbaya qaraabada dadka la haysto inay bixiyaan lacago madaxfurasho ah.
 
Ma jiro sawir ama fiidiyow laga hayo oo na tusaya ninkan Magafe lagu magacaabo inta aan ogahay taasoo ka dhigeysa in sheekadan mururgada leh ay iska ahaato mid uun laga sheekaayo oo aan waxba laga qaban.
 
Waxaase iigu darrneyd isla usbaacan ayaa mid saaxiibkey ah waxa soo wacay walaakii oo u sheegay in uu Magafe u gacangalay, sidaa darteed laga bixiyo lacag madaxfurasho ah oo dhan $3000 haddii kale qudha laga jarayo.
Runtii saaxiibkey wuu dhibsaday arrinkan isaga ah sida aan fahmi karo. Qoys ahaan ayay u kulmeen khasab na ku noqotay in ay isku soo ururiyaan lacagtaa si loogu xawilo Magafe.
 
 
Waxan isku dayey inaan la hadlo Magafe isaga oo isla qabweyn, maadaama uusan English ku hadli Karin, se waxa uu ku hadli karay luuqadiisa Carabiga ee Liibiya oo keliya, laakiin malaheyga markan maqlay codkiisa xabeebta leh ayaan suuraystay wajiga Magafe nooca uu yahay. Waxa uu leeyahay waji baas oo ku naaxay ka ganacsiga dadka,  oo ah  adoonsiga qarnigan 21-aad!.
Haddii aad hayso xog ku saabsan Magafe, sida sawirro,  video ama xog, fadlan noogu soo dir emailkan [email protected]
 
Waxaynu isku dayaynaa inaan helno xog walba oo Magafe ku saabsan in Alle iyo intii la helo karo, si maxkamad loogu soo taago dambiyadii uu ka galay bani’aadamnimada.
 
Isbaddelku waxa uu ka bilowdaa aniga iyo adiga. Aynu badbaadino sharafteena dadnimo.
 
W/Q Mohamud Hassan
Leverage Media Consultant
Previous Post

Ciiddanka Badda Talyaaniga oo maanta badbaadiyey boqolaal Tahriibayaal ay Somali ku jiraan

Next Post

Mr. Magafe, the Libyan warlord who feeds on immigrants

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il

July 17, 2025
Next Post

Mr. Magafe, the Libyan warlord who feeds on immigrants

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Bilan Media, oo ah xarunta warbaahineed ee kaliya ee haween u gaar ah ee Soomaaliya laga leeyahay, ayaa ku dhawaaqday...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyadoo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Kulanka...

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Dagaal culus ayaa saaka dib uga qarxay deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii beelo...

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

by Ilhaan
July 17, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Maxamed Maxamuud-Xayd, ayaa hoggaaminaya wafdi ka socda dowladda...

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
Warar

Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
Warar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
Warar

Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.
Warar

Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Puntland oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aaddan Maamulka SSC-Khaatumo

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa’il
Caalamka

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

July 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Bilan Media waxay Bixisay Deeq Qorista oo $1,000 ah oo Loogu Talagalay Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ka Shiray Gurmadka Abaarta Awdal iyo Arrimo Kale oo Muhiim ah
  • Dagaal xooggan oo ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur.
  • Wafdi ka socda DFS oo shir uga qaybgalaya Algeria.

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00