Malleyshiyaad Gaari safar ah ku rasaaseeyay Gobolka Hiiraan iyo khasaaro ka dhashay

Wararka aan ka helayno Degmada maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in kooxo hubeesan ay rasaas sababtay khasaaro kala duwan ay ku fureen Gaari nuuca leylada ah oo safar u  ahaa Magalaada Dhuusamareeb kana baxay Magaalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Gaariga ayaa la sheegay in uu marayey markii Rasaasta la huwiyey agagaarka Degmada maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen Gaariga oo loogu rasaaseeyay Deegaanka waradhuumale.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in  5 qof oo kamid ahaa rakaabkii Gaariga ay ku dhawacmeen, kuwaas oo haatan  dhawacoda la  gaarsiiyay isbtaalka  Magaalada Guriceel.

Arintaan ayaa la sheegay in ay salku ku heyso aano qabiil oo ka tagaan Matabaan iyo maxaas, walina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada degmada oo ay kaga hadlayaan dhacdadaasi lagu rasaaseeyay dadkaasi shacabka ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor