Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay inay Dableyda toogteen mid ka mid ah Ilaaladda Sarkaal ka tirsan Xisbiga maamula Turkiga ee AK Party, oo ku sugnaa Degmadda Muradiye ee Gobalka Faan.
Sidoo kale, Weerarkaasi waxaa lagu dhaawacay mid k mid ah Ilaaldda Sarkaalkaasi.
Toogashadan ayaa timid, iyadoo ay dalka Turkiga maanta ka dhacayso Doorasho loogu codeynayo Isbedelka Dastuurka dalkaasi, gaar ahaan Nidaamka Madaxtooyadda.
Isbedelkaasi ayaa waxa uu awood xooggan siinaya Madaxweynaha dalkaasi, iyadoo laga maarmayo Xilka Ra’isul-wasaaraha.
©Radio Dalsan