Taliyaha Guud ee Boliska dalkaasi, Khaalid Abu Bakar ayaa hadalkaasi maanta ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Caasimadda dalkaasi ee Kula Lampur, wuxuuna xusay inay xireen 7 Maleeshiyo oo qorsheynaysay inay weerar geystaan muddadii uu Boqorka Sacuudiga, Salman Bin C/casiis booqashadda ku joogay Malaysia.
Dableyda la qabtay ayaa kala ahaa Nin Malaysian ah iyo 6 Ajnab oo kala ahaa 4 Yeminiyiin ah, Hal Indonesian ah iyo mid ka soo jeeda Bariga Qaaradda Asia.
Raggan oo la sheegay inay ka tirsan Kooxda Daacish ayaa lagu soo kala qabtay Hawlgalo bishii February 21-dii iyo 26-dii laga sameeyey Caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur.
©Radio Dalsan