Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digtay inay muddo 2 bilood ka harsan tahay Digniinta la xiriirta wax noqon kara Macluushii 3-aad ee Somalia ka dillaacda muddo 25 sanno gudaheeda.
Macluushii ugu dambeysay oo Somalia ka dillaacday sannadkii 20121-kii, waxaa ku geeriyootay ku-dhawaad 260,000 oo qof.
Sida laga xigtay WHO, in ka badan 363,000 oo carruur ayaa waxa haysa nfaqo-darro aad u daran, halka 70,000 o okalena u baahan yihiin Gargaar Degdeg ah iyo Taageero Naf-badbaadin ah.
Hadal ka soo baxay QM maalintii shalay (Isniin) ayaa lagu sheegay inay Xaalladu noqotay mid aad u sii xumaatay 6-dii bilood ee ugu dambaysay.
Toddobaadkii hore, 110 qof ayaa gaajo darteeda ugu geeriyootay Goballadda K/galbeed, iyadoo dadku bilaabay inay gaajo darteeda u soo galaan Magaallooyinka, kadib, markii ay Xoolihii ka ld’deen abaarta darteeda.
©Radio Dalsan