Mahad Cabdalla Cawad oo ku guuleystay G/xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Federalka.

G/xigeenkii hore ee Barlamaanka Federalka Somalia, Murashax  Mahad Cabdalla Cawad ayaa mar kale loo doortay xilkaasi, kadib, markii uu ka guuleystay Murashxii la tartamayey ee   C/qaadir  Sheekh Cali Baqadaadi .

Haatan waxaa socota Khudbadaha Murashixiinta guuleystay iyo kuwa laga guuleystay, waxaana la filayaa in goor dhow lagu dhawaaqi doono Natiijadda Rasmiga ee Doorashaddii maanta lagu soo doortay Labada Guddoomiye-xigeen ee Barlamaanka 10-aad ee Somalia.

Shalay ayey ahayd, markii  uu Prof. Maxamed Sh. Cusmaan “Jawaari” mar kale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka Somalia.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor