Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo Maanta siweyn looga Ciidayo

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa maanta waxaa ka socda dabaaldegyo loo sameynayo maalinta 1-aad ee Munaasabada ciidul Fitriga, ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd.

Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada iyo goobo kale oo loo cayimay halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii ciidul fitriga, iyagoo intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada ciida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta boqolaal ruux salaada ciida kula tukaday masaajidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay ciida.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu soo baxay kumanaan dadweyne ah oo isugu jira rag, dumar iyo caruur wata lebisyo aad u qurxoon, iyagoo isku booqanaya guryaha oo lagu diyaariyey macmacaano loogu talo galay maalinta weyn ee ciidul Fitriga, waxaana dadkaasi ay isku marxabeynayeen ereyo ay ka mid yihiin ciid wanaagsan, ciid Mubaarak iyo kuwo kale oo fara badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor