Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh.Axmed oo ka hadlay Qaraxyadii ka dhacay Maxaas

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaaray Qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo Saaka lagu qaaday Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,kuwaasi oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynihii hore oo soo saaray Qoraal ayaa ka tacsiyeeyay weerarkaasi, waxaana uu Caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii dhaawacyadu ay kasoo gaareen weerarkaaasi.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelka dadkii ku naf waayay weerarka Al-Shabaab ku qaaday dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.Ilaahay SWT ha u naxariisto, dadka  dhaawacyada soo gaareen waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah, dadka hantidooda ku waayay beddel kheyr qaba Allah ha siiyo” ayuu ku yiri Sharif Sheekh Axmed Qoraal uu soo saaray.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor