Madaxweynihii hore ee Maraykanka oo booqan doona dalka Kenya

Barack Obama oo ahaa Madaxweynihii 44-aad ee dalka Maraykanka  ayaa la sheegay inuu bishan 16-da boqasho hal maalin ah ku tegi doono Kenya ee uu Aabihiisa asal ahaan ka soo jeedo.

Waxaana u qorsheysan inuu Madaxweyne Uhuru Kenyatta kula kulmo Aqalka dowladda ee magaalladda Nairobi, ka hor inta uusan u socdaalin Degmadda K’OGELO oo uu asal ahaan ka soo jeedo, si uu u soo booqdo Qaraabadiisa.

Socdaalka uu Barack Obama ku tegi doono Kenya ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo markii uu Xilka Madaxweynaha Maraykanka ka degay bishii Janaayo 20-dii ee sannadkii hore.

Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Maraykanka waxa u qorsheysan inuu booqasho ku tago dalak Koonfur Afrika, isagoo jeedin doona khudbad sannadeedka Madaxweynihii geeriyooday ee dalkaasi, Nelson Mandela.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media