Madaxweyne Xasan Sheikh”Darbiga Kenya ay Dhiseyso Ma Joojin Karan Weerarada Al Shabab

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi gaar ah Siiyay Idaacadda VOA Somali ayaa shaaciyay in Darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya uusan joojin doonin Weerarada Al Shabab ay ka geystan Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa Rajo xumo ka muujiyay Difaaca ay Kenya ka heli karto Darbigan oo ay hore u sheegtay Dowladasi inuu ka taageeri karo Amniga.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Wareysigasi ku sheegay in Dowladiisa ay weli fursado u heyso Dagaalamayaasha Al Shabab ee Doonaya iney Dowladda ku soo biiraan.

Dowladda ayaa hore dhowr jeer Cafis u fidisay Dagaalamayaal ka tirsanaa Al Shabab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor