Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warbixin la xiriirta howlgalada socda siiyay Midowga Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tina Intelman iyo qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka Midowga Yurub u jooga dalka ayaa uga warbixiyey guulaha laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Alshabaab, dhammeystirka Dastuurka, Dimuquraadiyeynta iyo Dayn cafinta.

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay sida Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay u xoreeyeen deeganno badan oo ka tirsan Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug .

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in halganka dib u xoreynta dalka uu barbar socdo qorshaha dhammeystirka dhismaha hay’adaha muhiimka u ah dowladnimada iyo xaqiijinta himmilooyinka ay muddada dheer ku taamayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, dhammeystirka Dastuurka, dayn cafinta, xoojinta Dimuquraadiyeynta, Federaaleynta  iyo adkaynta dowladnimada.

Dhankooda, Safiirada oo bogaadiyey howlgallada xoreynta deegannada ay ku sugnaayeen Shabaabka ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka,  xoojinta federaaleynta, daadejinta hannaanka dowliga ah, saamaynta Isbaddalka cimmilada iyo Gargaarka Beni-aadannimada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor