Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan iyo Xukuumadda dalkaas u diray dhambaal tacsi ah oo ku saabsan muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa ka dhacay goob laga qodo dhuxul-dhagaxa oo ku taalla waqooyiga dalkaas.

Madaxweynaha oo tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan muragada walaalahooda dalka Turkiga ayaa u rajeeyey dadka dhaawacayadu soo gaareen in Eebbe u booga dhayo.

“Anigoo ku hadlaya magaca dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsiinaynaa dowladdaada iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo la muragaysan dhibaatada ka dhacday Gobolka Bartin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor