Madaxweyne Xasan Sheekh oo uga digay Saciid Deni inuu qabto Doorasho aan la isku raacsaneyn

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u dhaliilay hannaanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku doonayo inuu ku wajaho doorashada Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaaddiiJimcaha ee Maanta ka hadlayay Madaajidka Madaxtooyada ayaa uga digay Madaxweyne Saciid Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn.

Wuxuu Madaxweynaha dowladda Federqalka Soomaaliya ugu baaqay hoggaanka Puntland inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo khal-khal gelin karta nidaamkii ay horay Puntland ugu soo caana maashay.

Xildhibaano iyo Wasiiro ku sugnaa Masaajidka Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu si weyn u dhaliilay Madaxweyne Deni qorshihiisa doorashada Puntlabd, kaddib muddo uu ka baaqsanayay inuu bannaanka u soo baxo khilaafka isaga iyo Madaxweyne Deni.

Saddex habeen ka hor ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in uusan jirin khilaaf siyaasadeed oo dowladda Federaalka iyo Puntland u dhaxeeya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor