Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shir Deg-deg ah oo ay yeesheeen Madaxda IGAD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay wada-hadallo degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Shirka oo ku qabsoomay aalada ZOOM-ka ayaa waxaa ay Madaxda dalalka IGAD ay kaga arrinasadeen iska-hor imaadyada hubaysan ee ka socda dalka Suudaan, kuwaasi oo shalay oo sabti aheyd qarxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee dalalka IGAD sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Suudaan, ayna codkeeda heer gobol iyo heer qaaradeedba ay ku garab istaagayso nabadda, midnimada iyo dowladnimada walaalahooda Suudaan oo hiil taariikhi ah u muujiyey dalka, xilliyadii adkaa.

Ugu dambayn, madaxda dalalka IGAD ee shirkan ka qayb galay ayaa isku raacay in si deg-deg loogu diro dalka Suudaan wafdi ka shaqeeya joojinta colaadda iyo billaabidda wadahadallo lagu dhammeynayo caqabadaha jira, si loo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Suudaan.

Maalintii labaad ayaa waxaa dagaallo xoogan oo u dhaxeeya laba garab oo ka kala socda ciidamada Dalka Suudaan ay ka socdaan Magaalada Khartuum iyo deegaanno kale oo duleedka ah.

Ugu yaraan 56 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo kooxda gurmadka degdegga ah ee (RSF), sida ay sheegeen koox dhakhaatiir ah oo madax-bannaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply