Madaxweyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda ee ku taalla Isgoyska Soobe.
Madaxweyne Xasan oo warbaahinta kula hadlayey goobta qaraxyadu ka dhaceen ayaa waxaa uu sheegay in 100 qof ay ku dhinteen qaraxyadii Isgoyska Soobe, halka ku dhawaad 300 qof kalena ay dhaawacyo kala soo gaareen, kuwaasi oo Isbitaalada la dhigay.
Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen.
Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa Madaxweynaha in dalalka taageera Soomaaliya ay ka dalban doonaan inay usoo diraan dhaqaatiir Caafimaad iyo daawooyin, si gurmad loogu sameeyo dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxydii ka dhacay Muqdisho.