Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cafis u fidiyay Maxabiis Badan Si ay Farxada Ciidda uga qeybqatan

Madaxweyanaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa shalay Cafis u fidiyay 79 Maxbuus oo loo heystay dabiyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ku soo aadiyay Cafiskan maalinta Munaasabadda Ciidul Fidriga oo shalay loo dabaal dagay Maalintii Koowaad.

Madaxweynaha ayaa ugu yeeray dhamaan dadka Cafiska loo fidiyay iney nafsadooda dhaqan celiyan oo ay fursadan ka fa’ideystan.

Xabsiyada Dowladda Ee Muqdisho ayay hey’adaha Xuquuqul insaanka aad uga walaacsan yihiin nolosha iyo waxbarashada ay ku heystan dadka maxaabiista.

Dhawaan Xabsiga dhexe ee Muqdisho Hey’adda CCA Ee Wacyigelinta Bulshadda oo ka shaneysa Jaamacada Somaville ayaa Halkasi ka bilaabay Mashruuc wax lagu barayo Haweenka Xabsigasi ku xeran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor