Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin culus kasoo saaray ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, isagoo si adag u sheegay in dowladda ay ka go’an tahay la dagaalanka iyo ka hortagga hubka sharci darrada ah ee dalka lagu soo geliyo. Khudbadda uu ka jeediyay Masjidka Villa Somalia kadib Salaadda Jimcaha, ayuu madaxweynuhu ku nuux-nuuxsaday in dowladda aysan u dulqaadan doonin falalka lagu fidinayo hubka aan sharciga waafaqsaneyn, waxuuna ugu baaqay shacabka inay ka fogaadaan wax kasta oo la xiriira kaydinta ama rarista hubka sharci darrada ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka ku booriyay inaysan ogolaanin in hub sharci darro ah lagu kaydiyo guryahooda ama lagu qaado gaadiidkooda, isaga oo tilmaamay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu arko falkaas. “Hadhow, shalaaydu kuma badbaadin doonto,†ayuu yiri isagoo muujinaya halista ka dhalan karta falalkaas sharci darrada ah.
Madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanku ay awood buuxda u leeyihiin inay fuliyaan baaritaanno xitaa saqda dhexe, haddii ay heleen warqad maxkamadeed oo ku saabsan in guri lagu kaydiyo hub sharci darro ah. Wuxuu si cad u sheegay in mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka ku lug yeesha hubka sharci darrada ah ay lumin doonaan kalsoonida iyo karaamada ay bulshada ku dhex lahaayeen, wuxuuna ku celceliyay in dowladda ay ka go’an tahay in ay tallaabo ka qaaddo dadkaasi.
Digniintan ayaa soo baxday iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u cambaaraysay gaadiid xamuul ah oo hub sharci darro ah siday, kaas oo maalintii shalay kasoo gudbay xadbeenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia, kuna soo galay deegaanada Puntland. Dowladdu waxay muujisay in arrintan ay khatar ku tahay xasilloonida iyo ammaanka guud ee dalka, waxaana la filayaa in baaritaanno dheeraad ah lagu sameeyo sidii hubkaas loo soo geliyay dalka.