Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ku Wajahan Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa iney gaaraan Magaaladda Cadaado Ee Xarunta Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa inuu ka qeybgali doono Furitaanka Wajiga Labaad Shirka Dib u heshiisiinta Dadka ku nool Goboladda Dhexe oo berito ka furmi doona Dhuusamareeb.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay Magaaladda oo ay Wararka sheegayaan in halkasi la geeyay Ciidamo gaar ah oo ammaanka xaqiijinaya.

Dhinaca kale waxa Maanta Magaaladda Dhuusamareeb ka dhacay Dibad bax lagu taageerayo in Shirka Maamul sameynta lagu qabto Magalaadda Dhuusamareeb,halka markii hore lagu balansanaa in lagu qabto cadaado.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor