Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Danjire Neil Wigan oo ka hadlay xaalada qaxootiga soomaaliyeed ee dalka Yeman

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan.

Madaxweyne Xasan iyo Danjire Neil Wigan ayaa ka wada hadlay Arimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Yemen Kuwaas oo dhibaato Xoogan ku qaba dagaalada Ka Socda Wadankaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa danjiraha u sharaxay qaabka dowladda ay ugu diyaar garowday dib usoo celinta qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhibaatoonaya Yeman.

Waxaa laga codsaday dowladda Britain in ay gacan weyn ka geesato sidii dadkaasi ay Gargaar deg deg ah u heli lahaayeen marka dalka dib loogu soo celiyo.

Dagaalada ka sii soconaya dalka Yemen ayaa waxaa ay dhibaato xoogan u geesteen qaxootigii faraha badnaa ee ku noolaa wadanka Yemen kuwaas oo ka tagay dalka Markii ay bur burtay dowladii dhexe 1992-dii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor