Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa weli ku guda jira wadatashiyadii u dambeysay ee ku aadan sidii uu ku soo Magacaabi lahaa Xubnihiisa Golaha Wasiirada.
Wararka ay Caaway Dalsan ka heleyso Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Waare uu Caawa kulamo la leeyahay Xildhibaanada Hir-Shabeelle si uu wadatashi igama yeesho Magacaabista Golaha Wasiirada oo waqtigii loogu talo galay dhaafay.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay xildhibaanada iyo Madaxweyne Waare kadib markii uu sheegay in Golaha Wasiirada uu banaanka ka keeni doono balse xildhibaanada ay ka diideen.
Wixii kulankaas ka soo baxa halkaan ayaaan Odin kugu soo gudbin doonaa.