Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kulan gaar ah kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash ayaa marka hore la iskaga xog-wareystay xaaladda guud ee deegaanada Puntland iyo dardar-gelinta howlaha muhiimka ee gaabista xoogan ka jira ee horyaalla dowlad Goboleedka Puntland.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka inta uu socday lagu dhammaystiray khilaafkii ka dhexeeyay Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cilmi Cismaan Karaas oo muddooyinkii dambe taagnaa, isla markaana salka ku haayay Arrimo Dastuuri ah.
Ilo-wargal ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay xal buuxa ka gaareen khilaafkii jiray, waxaana la sheegay inay isku raaceen in la dardar geliyo hawlaha dowladda oo gaabis xoogan ka jiro si meesha looga saaro dhaliila muuqda.
Khilaafka labada dhinac ayaa xoogeystay markii Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu qaaday tallaabooyin waaweyn oo uu xilkii ugu qaaday Wasiirada Arrimaha gudaha, Amniga iyo Maaliyadda Puntland, kuwaasi oo aad ugu dhawaan Madaxweyne Deni.
Si kastaba Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa haatan horyaala caqabo badan oo ay tahay inuu wax ka qabto, waxaana kamid ah tabashooyinkii ka dhashay doorashadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.