Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay Qaraxii uu ka badbaaday ee AS ku Weerartay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay qarax Is-miidaamin ahaa oo saaka Al-Shabaab ay la beegsatay goob ay ku sugnaayeen isaga, Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka iyo saraakiil ciidan.

Qaraxa oo ahaa mid oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa mas’uuliyiinta lagula eegtay tuulada Laas-gacamey oo u dhaxaysa degaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug, waxaana qaraxa uu dhaliyay khasaaro nafeed.

Qoorqoor ayaa beeniyay warar sheegayay inuu ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo saakay lagu qaaday Laas-gacaneey, isagoo xusay in isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee kula sugan degaanka ay bed-qabaan.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa Madaxweynaha Galmudug in weerarka lala hortagay oo la fashiliyay, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha oo tacsi u diray Askar ka tirsaneyd ilaalada Madaxtooyada Galmudug oo ku naf-waayay qaraxa.

Saakay waaberigii ayay ahayd markii Alshabaab ay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa kusoo weerareen degaanka Laas-gacaneey, halkaas oo farriisin u ahayd Madaxweyne Qoor qoor iyo masuuliyiin kale.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo katirsanaa xubnaha Qoorqoor kula sugan degaankaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhaawac gacanta ah uu soo gaaray, halka Senator Cabdiqeybdiid uu sheegay in madaxa uu dhaawac kasoo gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee saaka lagu weeraray tuulada Laas-gacamey oo u dhaxaysa degaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug,

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply