Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Magaalada Cadaado + Ujeedkiisa

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Maamulka, shacabka degmada iyo xubno ka tirsan goleyaasha Galmudug.

Socdaalkan waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur.

Madaxweynaha oo goob fagaara ah kula hadlay dadweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran, isagoona ku tilmaamay cadaado inay aasaas u tahay midnimadda maamulkiisa.

Madaxweynaha ayaa waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ku dhiiro galiyay iney ka qeyb qaataan dib heshiisiinta bulshada, isagoona reer Cadaado ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan nabadda iyo wada-noolaashiyaha.

Socdaalka Madaxweyne Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ku qotama adkeynta amniga iyo arrimaha dib u heshiinta. wuxuuna kulamo la qaadan doonaa laamaha kala duwan ee bulshadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media