Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dib shaqadiisa ugu fasaxay Wasiir

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dib shaqadiisa ugu fasaxay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Maamulka oo horey shaqada looga joojiyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweye ku-xigeenka Puntland  Axmed Karaash ayaa waxaa lagu wargeliyay Wasiir Maxamuud Xaaji Salaad in dib shaqadiisa loogu fasaxay, isla markaana uu si toos ah u guto shaqada loo idmaday.

Sidoo kale Axmed Karaash ayaa isna shaqada u fasaxay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdirisaaq Jaamac Aadan oo horey shaqo ka joojin loogu sameeyay.

Sababta markii hore shaqada looga joojiyay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas ayaa waxaa tahay, kadib markii labada Mas’uul uu dhexmaray dagaal gacan ka hadal ah, hayeeshee haatan labadooda la heshiisiiyay.

Hoos kas Akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media