Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo daah-furay Barnaamij Iskaashi Caalami ah

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu si rasmi ah u daafuray Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland, wuxuu ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isagoo muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso in la horumariyo Waxbarashada.

Barnaamijkan Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland oo ay wadashaqeyn leeyihiin, Iskaashiga Horumarinta Waxbarashada Adduunka ee (GPE), waa qorshe lagu horumariyo Waxbarashada qeybaheeda kala duwan, iyadoo xoogga la saarayo deegaamada ka fog fog magaalooyinka waaweyn.

Kulanka waxaa Madaxweyne ku-xigaanka kala qeybgalay Masuuliyiinta Waaaaradda Waxbarashada, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Madaxda Hay’addaha kala shaqeynaya Wasaaradda Barnaamijkan oo uga qeybgalay kulanka hab maqal iyo muuqaal ah, qaar ka mid ah ardeyda Puntland iyo marti sharaf kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media