Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo kormeer ku sameeyay Xarunta Madaxtooyada

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kormeer ku sameeyay Xarunta madaxtooyada Galmudug oo dhismo ku socda, waxaa socdaalkiisa ku weheliyay qaar ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

“Waxaan maanta  kormeer iyo indha-indheyn ku Tagey dhismaha xurunta madaxtooyada cusub iyo 4 wasaaradood oo dhismahoodu ka socdo caasimada Galmudug dhuusomareb.

Waxaan warbixin ka dhagestay Injineerada gacanta ku haya dhismaha Xarumaha madaxtooyada iyo wasaarada howlaha guud  Dowlada Gobaledka  Galmudug shaqada socota iyagoo ii sheegay in bisha September sanadkan 2020 aay soo dhamaandoonto.

Waxaan umahadceliyay Shirkadaha iyo wasaarada howlaha guud oo gacanta ku haya dhismaha xarumaha madaxtooyada” ayuu yiri Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Xarumo wasaaradeed iyo madaxtooyada maamulkaas ayaa waxaa ku socda dhismo cusub, waxaana tan iyo markii madaxweyne Qoorqoor la doortay billowday dar-dar galinta dayactirka iyo dhismayaasha cusub ee laga hirgalinayo Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media