Madaxweyne Joe Biden oo farriin hanjabaad u diray Madaxweynaha Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa u hanjabay dhiggiisa Ruushka, inuu ku soo rogi doona cunaqabateyn dheeri ah, iyadoo sidokale Mareykanka uu ku dhawaaqay in duulimaadyada Ruushka laga xayiray hawada Mareykanka.

Biden ayaa dhigiisa Ruushka Vladimir Putin, markale kaga digay weerarada uu ka wado Ukraine, isaga oo ku tilmaamay mid Kaligii-talis ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa ugu danbeeyn ballan qaaday in Ukraine uu siin doono hal bilyan oo dollar si ay dib ugu dhistaan ​​hay’adahooda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ciidamada Maraykanku aanay ku lug yeelan doonin dagaalka ka socda Ukraine.

Biden ayaa Khudbadiisa ku yiri: “Ciidamadeena kama garab dagaalami doonaan kuwa Ukraine, balse waxaanu xoojin doonaa talaabo kasta oo ay qadaan NATO”.

Tan iyo intii uu bilowday dagaalka ka socda Ukraine, Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xayiraado kala duwan oo ka dhan ah Ruushka, si loo wiiqo awoodda Ciidamada Ruushka ee dagaalka kawado qeybo kamid ah dalka Ukraine.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor