Waxaa xalay la wada doortay Madaxweynaha Maamulka hirShabelle iyo Ku-xigeenkiisa, kadib, markii shalay Doorashadda Xilalkaasi lagu qabtay Hoolka Shirarka ee magaalladda Jowhar.
Madaxweynaha HirShabelle waxaa loo doortay Cali Cabdallaahi Cosoble Siyaad, iyadoo uu Ku-xigeenkiisa loo doortay Cali Guudlaawe.
Labadaa Mas’uuul ayaa isla xalay loo dhaariyey Xilalka ay ku guuleysteen, waxayna ballan qaadeen inay ka shaqeyn doonaan Danta Dalka iyo Dadka ku nool Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Maamulka HirShabelle ayaa la filayaa in Isbuuca dambe qabtaan Doorashadda lagu dooranayo 8-da xubnood ee uga mid noqon doona Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Musharixiinta ku loolami doona Xubnahaasi ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Somalia, Cali Mahdi Maxamed, Ra’isul-wasaarihii hore, Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Xildhibaan hore, Al-xaaji Muuse Suudi Yalaxow.
Mas’uuliyiintaasi ayaa ugu cadcad xubnaha ku tartami doona Saamiga Maamul-gobaleedka Hirshabelle ku leeyihiin Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda, iyadoo ay 2 xubnood u gaar yahay Musharixiinta Haweenka ee rajada ka qaba inay ka mid noqdaan Xildhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
©Radio Dalsan