Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulkaas Hirshabeelle Axmed Saney Maxamed.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maamulkiisa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Daahir Calasoow, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.
Axmed Saney Maxamed oo xilka qaadis lagu sameeyay ayaa lagu eedeeyay inuu gudan waayay waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, taasina ay keentay in Madaxweynaha Hirshabeelle uu Wasiir ku-xigeen cusub magacaab.
Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista