Madaxweyne Guudlaawe oo Amray in lasoo qabto dadkii dilay Nabaddoon Caan ahaa

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay xaafadda Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Nabaddoon caan ka ahaa Gobolkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Coloow, isagoo u dhintay rasaas badan oo lagu furay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa wuxuu si gaar ah tacsi ugu diray qoyska ehelka iyo qaraabada uu ka baxay nabadoon Cabdi Xuseen, waxa uuna Madaxweynaha Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo Marxuumka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa faray Laamaha Amniga inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambaysay falkaas, degdegna uga shaqeeyaan xasilinta Amniga Magaalada Beledweyne.

Dableydii dishay Nabaddoon Cabdi Xuseen Coloow ayaa goobta uu falku ka dhacay ka baxsatay, waxaana falkaas khaarijinta ah uu kusoo aaday, iyada uu Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu ku sugan yahay Madaxweyne Guudlaawe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor