Madaxweyne Farmaajo oo xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xooga

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

‪Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah. ‬

Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa waxaa xilka Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo magacaabay bishii Octoober sanadkii tegay ee 2019.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media