Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa madaxtooyada Soomaaliya maanta ku qaabilay saafirka cusub ee dowladda itoobiya u soo magacaawday arrimaha Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Omar, kaasi oo madaxweynuhu ka gudoomay waraadaha aqoonsiga safiirnimo.
Danjire Jamaaludiin ayaa ugu horeyn madaxweynaha u gudbiyay nuqulo ka mid ah waraaqdiisa danjirnimo iyo dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dowladda Itoobiya Mulatu Teshome.
Itoobiya ayaa bishii hore danjire usoo magacaawday Jamaludiin Mustafa, kaasi oo badalay danjirihii hore, waxaana la filayaa madaxweyne Farmaajo in maalinta Arbacada uu gaaro Itoobiya, Kadib casuumaad uu ka helay ra’isul wasaare Hailemariam Desalegn.
Halkaan hoose ka Daawo Sawirrada: