Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ku wajahan Magalada Addis-ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Maanta waxa uu ku wajahan yahay Magaaladda Addis-ababa si uu uga qeybgalo shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay ka soo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan koofurta suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Dalsan u xaqiijiyey in Madaxweynaha Soomaaliya uu  ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal ka dhacay Koofurta Suudaan, maadaama Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin dalkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor