Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku guda jira socdaalkiisii uu ku marayay deegaano ka mid ah Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in Saacadaha soo socda uu tago Magaalada Guriceel ee Gobolkaasi Galgaduud.
Madaxweynaha oo haatan ku sugan Magaalada dhuusamareeb ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tegi doona guriceel,waxaana haatan Dhuusa Mareeb ka socda dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay e uu Madaxweyne farmaajo ku tegayo Dhuusamareeb.
Ammaanka Magaalada guriceel ayaa aad Maanta loo adkeeyay,waxaana Wariyaheena Gobolka Galgaduud Maryan Mire Axmed ay soo sheegeeysaa in Magaalada Guriceel laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu tago Guriceel waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan,waxana intaasi kadib uu u gudbi doonaa degmada Cabduwaaq ee isla Gobolkaasi Galgaduud.