Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in rasmi ah uu u furmo,kadib markii muddoyinkii Xildhibaanada ay fasax ku jireen.
Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta Jeneraal Kaahiye Iskool Buluusiya ee ku taalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga,isla markaana uu ka jeediyo khudbad dhinacyado taabaneysa.
Madax ka socota Baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ka jira, Wakiilada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galaya xafladda furitaanka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa fasax galay bishii Janaayo ee Sanadkan 2019,kadib markii uu xiray Kal-fadhigii 4-aad ee Golaha Shacabka,waxaana intii ay fasaxa ku jireen la dilay Allaha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Golaha Shacabka.
Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoona Ciidanka amniga ay xireen Wadooyinka ugu muhiimsan eek u yaalla Magaalada.