Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya munaasabadda xiritaanka shirka wadatashiga qaran

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi maxamed farmaajo ayaa Maanta tagaya xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni oo lagu wadaa in ay ka billaabato xafladda gunaanadka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Jadwalka hadaljeedinta Munaasabadda oo lasoo saaray ayaa waxaa qayb ka ah Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xassan Sheekh Maxamuud oo ka tirsan midowga musharraxiinta ayaa iyaguna ku jira liiska hadal-jeedinka, sidoo kale waxaa Munaasabadda hadaljeedin ku yeelan doona ururada Bulshada rayidka iyo Xisbiyada madaxabannaan.

Sida ku cad warqadda Jadwalka hadaljeedinta waxaa Munaasabadda soo xiri dooona Madaxweynaha Dalka Maxamed cabdullaahi maxamed farmaajo, kaasi oo dibad joog ka ahaaa shirkii ay Madaxdu ku lahaayeen Afisyooni, waxaana horay uu howlaha shirka iyo gabi ahaanba arrimaha doorashooyinka uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor