Madaxweyne Donald Trump oo looga digay inuusan ku ciyaarin Saynta Libaaxa.

Madaxweynaha dalka Iiraaan, Xasan Ruuxaani ayaa hadalkaasi sheegay, isagoo tilmamaay inay Iiraan iska caabin doonto gardarro kasta oo Maraykanka ku soo qaado Danaha Iiraan.

Waxa uu tilmaamay dagaal lala galo Iiraan inay noqon doonto Hooyadda Dagaalladda oo dhan, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna Madaxweyne Trump uga digay inuusan ku ciyaarin Saynta Libaaxa.

“Ha ku ciyaarin Saynta Libaaxa, haddii kale waad ka murugoon doontaa” ayuu yiri Madaxweynaha Iiraan oo dhanka kale ka digay inay Mraaykanka carqaladeeyaan Shidaalka ay Iiraan u dhoofiso Caalamka.

Madaxweynaha Iiraan oo khudbaadiisa Toos looga baahiyey Telefishinka Qarankiisa waxa uu carrabka ku dhuftay inay Iiraan tahay Hooyadda Nabadda iyo Dagaalka, iyadoo dagaal lala galena noqon doono Hooyadda dhamaan Dagaaladda Caalamka.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, Mike Pompeo waxa uu Dowladda Iiraan ku tilmaamay Dowlad Burcad Maafiyo ah, kuna dhaqanta Musuqmaasaq, waa sida uu hadalka u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media