Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddiga dardagelinta Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Wareegto Lr. 02, 13-ka Oktoober 2022, kuna saabsan Magacaabidda Guddiga Dardagelinta doorashooyinka Puntland.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka kooban 11-xubnood oo u badan xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada, waxaana Guddoomiye looga dhigay Guddiga Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxe.

Habeen hore ayey aheyd markii Madaxweynaha Puntland uu kulan la qaatay Ururada Siyaasadda Puntland iyo Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Saciid Deni ayaa ku dhawaaqay in Maamulka taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda, Maamulkaayaa $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta Iyadoo inta howsha Doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay

1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda  Guddoomiyeye.

2- Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Xubin.

3- Wasiirka Maaliyadda Xubin.

4- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta  Xubin.

5- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta  Xubin.

6-Wasiirka Warfaafinta  Xubin

7- Wasiirka Haweenka  Xubin

8- Wasiirka Waxbarashadda  Xubin

9- Wasiirka Caafimaadka  Xubin

10- Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada  Xubin

11 – Madaxtooyada  Xoghayn

Guddigaan ayaa waxay u xilsaaran yihiin dardargelinta Doorashooyinka Punltland iyo fududaynta tasiilaadka looga baahan yahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor