Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Guddoonka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Saciid Deni oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu yiraahdo Guddoonka Golaha Aqalka Sare kaalin kuma lahan Sharciga Doorashooyina dalka, uuna meesha ka saaray Kaalintii uu lahaa Golaha.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu Madaxweyne Farmaajo uu ku eedeeyay in uusan si aan wanaagsaneyn ula dhaqmay Aqalka Sare, isla markaana la tixgelin waayey tallooyinka uu soo jeediyo Aqalka Sare, sidaasina meesha looga saaray Awoodiisa.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayuu Madaxweyne Deni tilmaamay in aan lagu Casuumin Munaasabadihii loogu dabaal-gayay maalmaha Xorriyada, wuxuuna xusay in arrintaas ay abuuri karto arrimo aan Bulshada u wanaagsaneyn.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay inay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadanayan, wuxuuna rajo wanaagsan uu ka muujiyay in khilaafyada jiro xal laga gaari doono.