Madaxweyne Deni oo daah-furay Qorshe howleedka Guddiga Doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa xalay daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), taasi oo lagu soo bandhigay jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in magacaabista Guddigan xilli hore iyo daah-furka qorshe-hawleedkooda ay ka turjumeyso sida ay Puntland uga go’antahay hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland.

Arrimaha Doorashada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ka hadlay, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal.

Xafladda daah-furka qorshe-hawleedka (TPEC) Masuuliyiintii ka qeybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland hadana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Faroole, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Puntland, Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’addaha taageera Dimuqraadiyadda, Xafiiska Difaacaha xaquuqul Insaanka ee Puntland, Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ururada Bulshada Rayidka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media