Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama ayaa difaacay go’aanka Maamulkiisa ku ansixiyeen in si caadi loogu isticmaalo Diyaaradaha Droneska iyo duqeymaha kale ww laagu bar-tilmaameedsado Hoggaamiyayaasha Alshabaab iyo XerooyinkaTababarka ee ku yaalla dalalka Somalia, Yemen iyo Libya.
Madaxweyne Barack Obama ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Shir Jaraa’id ku qabtay Shirweynaha Ammaanka Nukliyeerka oo lagu soo gebagebeeyey magaalladda Washington.
Barack Obama waxa uu qiray in duqeymaha Droneska mararka qaarkood si aan ku-talagal ahayn loogu dili jirey dad Rayid ah, balse, haatan la hagaajiyey Hab-raaca Nidaamka duqeymaha lagula beegsanayo Dadka sida gaarka loo ugaarsanayo.
“Waxaan si kalsooni leh u dhihi karaa inay Hawlgalladda la adkeeyey, iyo in qiimeyn joogto ah lagu sameeyo ka hor intaan la duqeynin dadka iyo goobaha yoolka u ah duqeymahaasi” ayuu yiri Obama.
Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Milliteriga Maraykanka sheegeen inay duqeyn ku dileen Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Alshabaab.
Duqeyntaasi oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday Deegaanka Toorotoorow waxay Maraykanka sheegeen inay ku dileen Taliyihii Hawlgalladad Amniyaadka ee Alshabaab, Xasan Cali Dhoore iyo xubno kale.
©Radio Dalsan